CCD SOMALI YOUTH

Wasiirka Difaaca: “Caalamka waxaan ugu baaqayaa inay naga taageeraan cirib tirka Al-Shabaab”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu ay qabatay wax badan isla markaana ay u harsan yihiin howlo fara badan.

Isagoo ka hadlayay howlgalada ciidamada qalabka sida, waxa uu sheegay Wasiir Fiqi inay lagama maarmaan tahay caalamku inuuka gacan siiyo Dowladda Soomaaliya sidii ay u cirib tiri lahayd kooxaha argagixisada ah ku dhuumaaleysanaya qeybo ka tirsan gobolada dalka.

“Caalamka waxaan ugu baaqayaa inay naga taageeraan cirib tirka Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan haraaga kooxaha argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka Difaaca waxaa kale oo uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhallinyarada marin habaabiyaan, si ay ugu adeegsadaan dagaalada ay dalka ka wadaan, wuxuuna sheegay in dhallinyarada qaarkood ay bareen cabista daroogada iyo waxyaabaha maanka dooriya, taasi oo uu sheegay in dhallinyaro fara badan oo ka soo goostay Shabaab ay sidaasi uga wabrixiyeen.

Dhinaca kale codsiga Wasiirka difaaca ayaa ku soo beegmaya xilli kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ay u muuqdaan kuwo ku soo xoogeysanaya qeybo ka tirsan dalka, isla markaana goobaha Dowladda iyo shisheeye ay ka fuliyaan weeraro gaamdo ah, dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=16346

Posted by on Oct 26 2013. Filed under CCD SOMALIA, News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | COPYRIGHT © 2011 All rights reserved CCD SOMALI YOUTH. Designed by Galaxy technology